Sunday, July 13, 2025

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo Madaxweyne Farmaajo hordhigay 4 Qodob oo Xasaasi ah. [Akhriso]

Dowladda Itoobiya aya shaacisay qodobadda ugu muhiimsan ee ay ka wadahadlayaan Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Sida uu shaaciyey Xafiiska Ra’iisal wasaaraha dalkaasi, arrimaha ugu muhiimsan ee wadahadalka labada dal ayaa ku saabsan fulinta heshiisyo ay hore u galeen labada dal oo ku saabsan nabadda Gobolka iyo qoddobo kale oo ay ka mid yihiin:

1- Fulinta Heshiisyadii hore loo saxiixay ee xoojinta nabadda Gobolka.

2- Qaabka lagu xoojin karo xiriirka labada dal ee Kenya iyo Somalia (Waanwaan).

3- Sii wadista horumarinta wadajirka ah ee Dekadda (Berbera -lama magacaabin)

4- Hagaajina xiriirka Somaliland si loo taageero nabadda Gobolka.

Ma jirto faafhaahin laga bixiyey qodobaddan oo mugdi badan ku jiro, laakiin ay ku caddahay in kulanka uu yahay mid xasaasi ah oo labada dhinac ay hor yaallaan arrimo culus oo ay ka mid yihiin xiriirka dowladda Somalia iyo Kenya oo salka ku haya xuduudka Badda Somalia ee Kenya sheegatay.

Itoobiya ayaa dhowaan soo nooleysay mashruucii dekadda Berbera ee heshiiska ku wada galeen Imaaraadka, Itoobiya iyo Somaliland, kaasoo Baarlamaanka Somalia ka hor yimid.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON