Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa sheegay in xukuumadiisa ay fududeyneyso shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ee uu ku baaqay caawa Madaxweynaha xilka ka dhammaaday inuu ka dhao magaalada Garowe.
Qoraal kasoo baxay Xafiska Ra’iisal wasaaraha saacado kooban kadib markii Madaxtooyada ay ku baaqday shirka cusub ee Garowe ayaa lagu sheegay in Maxamed Xuseen Rooble uu soo dhaweeyey Shirka Wadatashiga Arrimaha Doorashooyinka ee ku qabsoomaya 15-ka bishan magaalada Garoowe ee Dowlad-goboleedka Puntland.
Waxaa qoraalka lagu sheegay in Xukuumaddu ay dadaal mug leh ku bixinayso fududeynta shirkan iyo sidii loo dardar gelin lahaa fulinta Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 ee hagayay hannaanka doorashooyinka dalka, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilka sii heysa ayaa ku tilmaamay doorkiisa ku saleysan yahay isu-soo dhaweynta aragtiyaha kala duwan ee fulinta Heshiiska Doorashooyinka ee horey loo ansixiyey.