Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaatay go’aan halis gelinaya doorashada Dadban ee Soomaaliya 2021, kadib markii uu faragelin ku sameeyay khilaafka Doorashada ee u dhaxeeya siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee Somaliland.
Rooble ayaa go’aan ku gaaray in la guda galo qabto Doorashada Aqalka Sare ee senatoorada kasoo jeeda Somaliland, isagoo isugu yeeray Guddiga kala qeybsan ee Doorashada Somaliland, sidoo kalena kulan berri la yeelanaya Xildhibaannada labada Gole ee kasoo jeeda Somaliland.
Tallaabadda uu Rooble u qaaday in la bilaabo Doorashada Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi ayaa ka danbeysay markii uu laba jeer la kulmay hoggaamiyeyaasha labada garab ee Siyaasiyinta Dirta Waqooyi ee kala ah: Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, kuna ku fashilmay inuu xal ka gaaro khilaafkooda.
Qorshihii ugu danbeeyay Ra’iisal wasaare Rooble ayaa noqday inuu labada Garab ee siyaasiyiinta Dirta Waqooyi ka dalbado inay isaga talada u dhiibtaan oo ay ogolaadaan go’aankii uu arrintooda kasoo gaaro, una hoggaansamaan, taasoo uu ka hor yimid Guddoomiyaha Aqalka Sare. (Halkan ka AKhriso)
Waxaa hore Maxamed Xuseen Rooble loogu eedeeyay inuusan dhexdhexaad ka ahayn arrinta khilaafka ka taagan Doorashada kuraasta Dirta Waqooyi, ayaa hadda wajahaya xaaladii ugu adkeyd oo keeni karta inay halis gasho Doorashada oo dhan.
Qabashada Doorashada xildhibaannada kasoo jeeda Gobollada Waqooyi oo la qabto iyadoo aan heshiis lagu ahayn, kana maqan yihiin siyaasiyiinta garabka Cabdi Xaashi ayaa noqon karta mid uu hareyso khilaaf iyo halis weyn oo shaki gelin karta sharcinimadeeda.
