Monday, June 23, 2025

Ra’iisal Wasaare Kheyre: Heshiiskii miyuu uga baxay Ahlu-suna…? [Qodob halis oo ku jiray War-murtiyeedkii Cadaado]

Kooxdii Ahlu-Suna ee la midowday Maamulkii Galmudug ee uu hoggaaminayey Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa halis ugu jirta inay mar kale isaga harto maamulkaasi, kadib heshiis magaalada Cadaado ku dhex maray Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne Xaaf.

Heshiiskan ayaa qodob ka mida wuxuu shaki gelinayaa inay Doorashada Galmudug ee soo socota ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb ee Ahlu suna gacanta ku heyso, waxaana loo qoray sida soo socota: ” Si ay u noqoto caasimad loo dhan yahay oo leh maqaamkeeda waa in hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug ay si buuxda uga hawl galaan magaalada Dhuusamareeb”

Qodobkan ayaa halis ku ah Ahlu suna, isagoo ka dhigan in shuruud lagu xiray Doorashada Galmudug inay ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna kasoo horjeedaa go’aankii hore ee Xukuumadda Kheyre iyo qoraalkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Somalia.

Ad

Ahlu suna ayaa hadda waxaa hortaalla inay kala doorato Galmudug iyo magaaladii ay 10-ka sano ku dhowaad ku gorgortamayeen oo ay ogolaadaan inay gacantooda ka baxdo ama ku wareejiyaan ciidamada dowladda Somalia, waxaana Galmudugta cusub la ogeyn qeybta ay ka qaadan doonaan.

Dowladda Federaalka ayaa u muuqata inay ka baxday is-fahamkii Ahlu suna ay la gashay, kadib markii ay meel cidla ah ka heshay Madaxweyne Xaaf oo aqbalay doorasho ka dhacda Galmudug, iyadoo howsha ugu adag ee hadda hortaalla Galmudug ay tahay sidii la isu waafajin lahaa Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Kulamo kale oo Ra’iisal wasaare Kheyre iyo madaxda Ahlu suna yeelan doonaan maalmaha soo socda ayaa lagu ogaan doonaa in Ahlu suna tanaasushay iyo in kale, waxayna noqon doonaan kuiamada ugu adag ee lagu go’aamin doono mustaqbalkooda.

- Advertisement -

Galmudug-ta cusub ee soo socota ayaa go’aankeeda waxaa qaadan doona madaxda Ahlu suna ee Dhuusamareeb haddii ay noqon doonto maamulkii hore ee Cadaado iyo Gaalkacyo ku koobnaa iyo haddii la midoobo doono oo Dhuusamareeb kusoo biiri doonto, waana xaalad siyaasadeed adag.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON