Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xasan Cali Khayre ayaa beeniyay in heshiis ay la galeen Itoobiya, isagoo eedeyn u jeediyay dad uu sheegay inay ka horjeedaan dowladnimada Soomaaliya.
Isagoo xalay Magaalada Oslo kula hadlayay qaar ka mida Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ayuu soo hadal qaaday arrinta muranka weyn dhalisay ee ku saabsan is-afgaradkii Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ku dhex maray magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay inaysan jirin dekado la siiyay Itoobiya iyo heshiis la saxiixay midna.
“Waxaa jira dad ka soo horjeeda dowladnimada oo wax walba siyaasadeeya, si ay u carqaleedaayaan dowladnimada, maalmahan waxaan maqlayay in heshiis lala galay dowladda Itoobiya, annaga wax heshiis ah lama gelin Itoobiya, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa inoo yimid, waan soo dhaweynay, shirkii markuu idlaaday war-murtiyeed baa ka soo baxay, kaas oo ah in dhaqankii hore wax laga bedelayo, Dekedo aan bixinay ma jiraan, Dekedaha shacabka Soomaaliyeed baa iska leh.” Ayuu yiri Khayre.
Ra’iisal wasaare Khayre ayaa sheegay in lasoo saaray War-murtiyeed, balse aanu jirin wax heshiis ah oo ay wada galeen dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya, wuxuuna si weyn u dhaliilay dad uu sheegay inay dowladnimada diidan yihiin oo wax walibanaay siyaasadeeyaan.