Tuesday, July 15, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo gaaray Magaalada Riyaad [Daawo sida loogu soo dhoweeyay]

Wafdigii Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudiga.

Ra’iisal wasaare Kheyr iyo wafdigiisa waxaa Garoonka caalamiga ah ee Boqor Khaalid, Magaalada Riyaad ku soo dhoweeyay madax ka tirsan Boqortooyada Sacuudiga oo ay ka mid yihiin: Amiir ku xigeenka Gobolka Maka Amiir Maxamed Bin C/raxmaan Ibn C/casiis, Wasiiru dowlaha arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Sacuudiga Axmed Bin C/cass Al-qadan,  Xoghayaha Gobolka Maka Eng. Daariq Bin C/casisi, Safiirka Sacudiga u qaabisan Soomaaliya Maxamed Al-khayad iyo sii-hayaha safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudiga Saalim Macow Xaaji.

Socdaalka Kheyre ee dalka Sacuudiga ayaa ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal, isagoo la kulmi doona madaxda Boqortooyada Sacuudiga, wuxuuna martiqaad ka helay boqorka dalkaasi Salmaan Bin C/casiis.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON