Sunday, July 13, 2025

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo kormeeray Wasaaradda Maaliyadda & G/Banaadir oo Musuq lagu soo eedeeyay

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeer ku tegay wasaaradda maaliyadda, Dekadda Muqdisho iyo xarunta maamulka gobalka Banaadir.

Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayuu Ra’iisul Wasaaraha  kula kulmay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Prof. Cabdullaahi Sheekh Cali (Qaloocow) oo uga warbixiyay hawlaha ka socda wasaaradda sida cafinta Deynta lagu leeyahay dalka, iyo horumarinta ururinta dakhliga gudaha.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha ayaa kormeeray xafiisyada kala duwan ee Dekadda magaalada Muqdisho, wuxuna kulamo la qaatay maamulka sare ee dekadda oo uu kala hadlay xoojinta dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.

Wuxuu kaloo Ra’iisul Wasaare Kheyre Xarunta maamulka gobalka Banaadir kula kulmay Guddoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow), wuxuuna kala hadlay dardar gelinta barnaamijyada horumarinta gobalka, adkaynta amniga, soo celinta bilicda caasimadda iyo dardar gelinta Barnaamijka Is-xilqaan.

Hay’adaha uu maanta booqday Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa Guddigga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya ku eedeeyay musuqmaasuq.

Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoor

 

Image may contain: 3 people, people sitting and indoor

Image may contain: 1 person, sittingImage may contain: 2 people, people sitting, living room and indoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON