Thursday, April 18, 2024

Ra’iisal wasaare Kheyre oo kulan Gaara la yeeshay Madaxa Midowga Yurub ee Arrimaha Siyaasadda

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali khayre ayaa magaalada Brusseals kula kulmay Wakiilka Midowga Europe uqaabilsan Arrimaha Dibada iyo Amaanka Federica Mogherini, isagoo ka qayb galaya shir looga hadlaayo Amaaanka Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay xaaladda Soomaaliya ee dhinacyadda Siyaasadda, dhaqaalaha iyo isbedeladda Amniga iyo sidii Midowga Yurub u taageeri lahaa Soomaaliya. Sida lagu faafiyey Warbaahinta Midowga Europe, waxay isla garteen Masuuliyiinta Soomaaliya iyo EU in Midowgu uu door muhiim ah ku leeyahay kala guurka Amini ee Soomaaliya iyo taageradda Dowladda.

Ad

Federica Mogherini waxay hoosta ka xariiqda Xiriirka ka dhexeeya fulinta Qorshaha kala guurka Amni, isbadaladda dhaqaalaha iyo hiigsi Siyaasadeedka Doorashadda ee 2020 ka la filayo in Soomaaliya ay ka dhacdo. Waxay sidoo kale sheegtay in Midowga Europe uu wadayo taageeridda Dowladda Soomaaliya.

Ra’iisulwasaare Xasan cali khayre ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay gaartay guulo dhinaca Amaanka ah islamarkaan ay dajisay qorshe Amaanka oo ciidamadda Dowladdu ay Amaanka Dalka kula wareegayaan marka ay ciidamadda AMISOM baxaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON