Thursday, June 26, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Turkiga [Sawirro]

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka qeyb galaya shirka 72aad ee Golaha Guud Q/Midoobay ayaa la kulmay madaxweynaha Turkiga.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Turkiga Rajeb Dayib Erdogan  ayaa looga hadlay xiriiika iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal iyo labada shacab.

“Soomaaliya marnaba iloobi meyso walaalahood Turkiga iyo siday ugu soo gurmadeen” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre oo sheega in madaxweynaha Turkiga  Recep Tayyip Erdoğan ay ka  wada hadleen dardar gelinta iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka soo kabaneyso dhibaatooyinkii Argagaxisada iyo dagaalkii sokeeye. Waxaana u tilmaamay baahida loo qabo in Amniga Soomaaliya kor loo qaado, si buuxdana loo tayeeyo hay’adaha Amniga si loo gaaro nabad waarta.

Madaxweyne Erdogan ayaa qiray dhankiisa horumarka la taaban karo ee Dawladda Soomaaliya ay gaartay mudada kooban.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON