Ra’isal wasaaraha xukuumadda Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Caddaado, halkaasoo ay ka socoto qabanqaabada soo dhoweyntiisa.
Ra’iisal wasaare Kheyre oo ay la socdaan wasiiro iyo xubno ka tirsan labada Gole ayaa la sheegay inay galabta gaari doonaan magaalada Cadaado, isagoo wadahadal la yeelan doono waxgaradka iyo maamulka Galmudug.
Magaalada Cadaado waxaa ku sugan madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo xalay gaaray halkaasi iyo xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka, iyadoo tegista Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ay magaalada marti gelin doonto madaxdii ugu badneyd ee kasoo jeeda maamulkaasi.
Dhinaca kale Ra’iisal wasaaraha ayaa magaalada Dhuusamareeb kulan kula yeeshay madaxda Ahlu suna oo uu ka mid yahay madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir iyo hogaamiyaha Ahlu suna Macalin Maxamuud.
Waxa la filayaa in magaalada Cadaado ay ka dhacaan wadahadal xal loogu helayo xaaladda Galmudug iyo qabashada doorasho maamul cusub lagu doorto.
DHUUSAMAREEB



CADDAADO


