Friday, June 27, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo u dhoofay dalka Suudaan [Maxaa keenay inuu baaqdo Madaxweyne Farmaajo?]

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa ka dhoofay magaalada Muqdisho saaka isagoo ku sii jeeda magaalada Khartoum ee dalka Suudaan.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa hoggaaminaya wafdi ka socda dowaldda Soomaaliya, wuxuuna ka qeyb geli doonaa saxiixa heshiiska hoggaamiyeyasha Koonfurta Suudaan ee maanta ka dhici doona magaalada Khartoum, iyadoo ay ka qeyb galyaan madaxda dalalka Bariga Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo kulankaasi la qorsheeyay inuu tago ayaa ka baaqsaday saacadihii ugu danbeeyay, iyadoo wararku sheegayaan inuu go’aansaday inuusan u safrin dalka Suudaan.

Dowladda Suudaan ayaa casumaad u soo dirtay Madaxweyne Farmaajo Todobaadkii hore, iyadoo uu aqbalay waxaana loo diray liiska wafdiga madaxweynaha oo u badnaa shaqaalaha Madaxtooyada, laakiin waxa safarka loo baajiyey markii ay soo shaac baxday khilaafka ka dhashay safarkii Eritrea oo dowladda Jabuuti ay si weyn uga carootay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON