Thursday, June 26, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo u digay saraakiishii Ahlu Suna ee ku biiray Ciidamada Dowladda

Ra’iisal wasaaraga xukuumadda Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa u digay saraakiishii Ahlu suna ee ku biiray ciidamada Milateriga dowladda Somalia, isagoo si cad ugu sheegay inaan la aqbali doonin inay ka talo qaataan kooxdii ay ka yimaadeen.

Kheyre oo magaalada Dhuusamareeb kula hadlayay saraakiishan oo tababar loogu xiray halkaasi ayaa u sheegay inaysan dowladda Somalia aqbaleynin in saraakiisha ka tirsaneyd Ahlu suna inay ka wada tirsanaadaan oo ay ka wada amar qaataan ururkoodii hore iyo dowladda Somalia, isagoo u sheegay in laga rabo waajibaad iyadoo la siin doono xuquuqdooda.

Dowladda waxaa waajib ku ah inaad ka heshaan xaquuqdiina, saraakiisah ciidamada xoogga Dalka ee deegaannada Galmudug waxay ku amran yihiin inay ciidamada faraan waajibkooda. Waxaad kasoo wareegteen Ahlusunna, laakin laga bilaabo saacadan waa la idinla xisaabtamayaa mana aqbaleyno inaad ka wada tirsanaataan meeshaad ka tirsanaan jirteen iyo dowladda Federaalka” ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha.

Xukuumadda Somalia ayaa loolan culus kasoo wajahay hoggaamiyaha Ahlu suna oo isku dayey inuu dib ula noqdo saraakiisha iyo ciidamada Ahlu suna ee ku biiray dowladda Somalia, waxaana jira shaki ku saabsan in saraakiisha Ahlu suna ay weli daacad u yihiin Ahu Suna, inkastoo ay ku biireen dowladda Federaalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON