Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maqribniadii caawa gaaray magaalada Garowe.
Wafdiga Ra’iisal wasaaraha waxaa garoonka Diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Wasiirada xukuumadda Soomaaliya, madaxda Puntland, masuuliyiin iyo qeybaha bulshada magaalada Garowe.
Ujeedka safarka Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ah kii ugu horeeyay ee uu ku tago Puntland ayaa la xiriira sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka taagan Doorashada 2020/2021, waxaana caawa magaalada Garowe ka bilowday shirar u socda wafdiga Ra’iisal wasaaraha iyo Madaxweynaha Puntland.





