Monday, July 14, 2025

Ra’iisal wasaare Rooble oo magacaabay Guddiga Doorashada Xildhibaannada Somaliland (Akhriso magacyada)

Qoraal uu soo saarya Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay Guddiga Doorashada ee maamulaya Doorashada xidhibaananda labada Aqal ee kasoo jeeda Somailand.

Guddigan oo ka kooban 11 xubnood ayaa isugu jira 8 xubnood oo ay ahayd in lagala tashado siyaasiyiina Somaliland kasoo jeeda iyo 3 xubnood oo ay xukuumaddu lahayd ayaa dhammaantood waxaa soo magacaabay xukuumadda, waxayna magacyadooda kala yihiin:

1- Khadar Xariir Xuseen

2- Sundus Ibraahim Cali

3- Axmed Daahir Xasan

4- Maxamed C/llaahi Jirde

5- C/raxmaan Cusmaan Aadan

6- Samsam Maxamed Faarax

7- Najiib Xuseen Samaale

8- Khadar Cabdalla Aadan

9- Seynab Ismaaciil Xasan

10- Ifraax Cumar Ducaale

11- Umeyma C/llaahi Ciise

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa ka hor yimid xubnihii uu hore u magacaabay Ra’iisal wasaare Rooble ee Guddiyada Doorashada heer federaaal iyo Guddiga khilaafaadka; waxayna wararku sheegayaan in Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiirada kasoo jeeda Somaliland ay soo magacaabay xubnahan, iyadoo aysan door ku lahayn siyaasiyiinta uu hoggaaminayo guddoomiyaha Aqalka Sare.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON