Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta ayaa khudbad uu jeediyey, kadib markii lagu wareejiyey howlaha Doorashada iyo Amnigooda ku shaaciyey dhowr tallaabo oo uu qaadi doono.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa seegay in xukuumadda ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga howlgeli doonto soo bandhigidda qorshayaasha Doorashooyinka, Amniga doorashooyinka iyo fulinta qorshaha amniga Guud Qaranka
“Waxaan uga mahadcelinayaa madaxweynaha inuu aniga iyo xukuumaddeyda nagu soo wareejiyay hoggaaminta howlaha doorashooyinka, amniga doorashooyinka iyo fulinta qorshaha amniga guud ee Qaranka, anigoo rajeynaya in aan ku guuleysanno howshaas” ayuu yiri Maxamed Rooble.
Wuxuu caddeeyay inay ka go’an tahay inay dalka ka dhacdo Doorasho Xor iyo xalaal ah, daah furan, iyadoo aan cidna xaqeeda la duudsiin.
Qodobadda uu muhiimsan khudbadiisa waxay kala ahayeen:
Inay dhammaan dhinacyada kala shaqeeyaan nabadda
Inay dhamaan ciidamada yihiin ‘Ciidamo Qaran’ oo aanay kala lahayn muxaafid iyo mucaarad ayna ku laabtaan xeryahooda, iyagoo ka fogaanaya siyaasadda.
Inuu magacaabayo Guddi farsamo oo kasoo talo bixiya xaaladda ciidamada
Inay siyaasiyiinta inay ka fogaadaan hadallada xanafta leh iyo ficillada aan caawineyn Nabadda
Inuu maamul Goboleedyada ku casuumi doono shirka Golaha Wadatashiga Qaranka.
