Tuesday, July 1, 2025

Rooble oo 2 qodob ku daray sababaha Guddiyada Doorashada looga saari karo xubnaha tabashada laga qabo

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa laba qodob oo cusub kusoo daray tilmaaamaha guddiyada Doorashooyinka looga saari karo xubnaha tabashada laga qabo.

Iyadoo ay maanta bilaabatay kala saarista iyo xaqiijinta xubnaha la filayo in laga saaro Guddiyada Doorashada ayaa Guddiga loo xilsaaray waxay shaaciyeen in Ra’isal wasaare Rooble uu faray in Guddiyada dowladda magacawaday laga saaro xubnaha ka mida shaqaalaha rayidka ah ee dowladda iyo ciidamada dowladda.

Labadaas qodob ayaan ka mid ahayn heshiiskii Doorashada ee la saxiixay 17-kii September 2021, balse Ra’iisal wasaare Rooble ayaa amray in laga saaro haddii lagu dhex arko guddiyada Doorashada heer federaalka, heer dowlad Goboleed iyo Guddiya xalinta khilaafaadka.

Waxaa hore u jiray dood ka imaaneysay Madaxtooyada oo ku saabsan inaysan jirin wax ka reebaya shaqaalaha dowladda iyo saraakiisha inay ka mid noqdaan Guddiga.

Waxaa Xukuumadda loo gudbiyey liis xubno ka kooban 67 oo oo 61 ka mida ay gudbiyeen Midowga Musharixiinta, kuwaas oo loo jeediyey eedo kala duwan, sida inay ka mid yihiin ciidamada dowladda, shaqaalaha rayidka dowladda iyo taageerayaasha Farmaajo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON