Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal uu saaray ku amray xubnaha Golaha Wasiirada inaysan qaadi karin go’aanno cusub, iyadoo aan ogolasho laga helin.
Qoraalkan oo soo baxay 26-kii bishan May, 2022 maalin ka hor saxiixa heshiiskii labaad ee Doorashada ayaa wasiirada xukuumadda xilgarsiinta lagu faray inaan la qaadan go’aano xilligan yeelan kara saameyn siyaasadeed, amni iyo maamul, isla markaana aanu dhicin xadgudub ku takri fal awoodeed.
Wasiirada xukuumadda xilgaarsiinta ayaa sii wada magacaabis xilal cusub iyo kala bedel xafiisyo, waxaana wasiiradii ugu danbeeyay ee magacaabis sameeyay ay kala yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Mukhtaar Xuseen iyo Wasiirka Amniga Xasn Xundubey, taasoo hadda kadib u muuqata in la joojiyey.
HOOS KA AKHRISO
