Waxaa la joojiyey xaflad uu doonayey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu u qabto madaxda saxiixayaasha heshiiskii labaad ee Doorashada Soomaaliya.
Xafladan oo ay qabanqaabineysay Madaxtooyada ayaa ujeedkeedu ahaa in xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ay ka dhacdo, laguna maamuuso heshiiska iyadoo Farmaajo doonayey inuu khudbad halkaasi ka jeediyo, looguna mahad celiyo kaalintiisii ka maqneyd shirka.
Arrintan ayaa socon weyday markii ay ka cago jiideen madaxda maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland tegista Madaxtooyada Soomaaliya, waxaan suuragal noqon weyday in meel kale oo dhexdhexaad ah lagu qabto.
Midowga Musharixiinta ayaa dhowaan xaflad sagootin ah u sameeyay madaxda maamul Goboleedyada dalka ee qeybta ka ahaa heshiiskii Doorashada ee 27-kii May 2021 lagu saxiixay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, halka Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni lagu wado inuu isla maanta ku noqdo xarunta Puntland ee magaalada Garowe.
