Sunday, July 13, 2025

RW Rooble: “Isku dayga wuxuu ahaa si loo curyaamiyo in Doorashadu dhaqso u dhammaato”

Rooble oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday xarunta Baarlamaanka iyo ujeedka laga lahaa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaaraynayaa falalka argagixisada ee la doonayo in lagu carqaladeeyo shaqada Baarlamaanka Federaalka ah.

“Isku dayga Maanta waxa uu ahaa fal fulaynimo ah oo la doonayay in lagu cabsigaliyo Baarlamaanka oo ku guda jira waajib gudashadiisa dastuuriga ah si loo curyaamiyo in Doorashadu dhaqso u dhammaato.” auu yiri Rooble oo qoraal kasoo saray weerar Hoobiyeyaal ah oo lagu qaadya xarunta Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey dadaalka Baarlamaanka ee dhammaystirka iyo dardargalinta doorashada.

Rooble wuxuu ku boogaadiyey ciidamada naf-hurnimada ay muujiyeen, isagoo faray Taliyeyaasha Ciidammadu in ay labalaabaan dadaalkooda ku aaddan suggidda amniga iyo ka hortagista isku day kasta oo lagu carqaladaynayo amniga dalka, gaar ahaan xilligaan lagu guda jiro arrimaha doorashooyinka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON