Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inuu ku dhaqaaqo fulinta mid ka mida Qodobadda Heshiiskii labaad ee Doorashada.
Qodobka ugu culus ee ugu horeeya fulintiisa ayaa ah wax ka bedelka Guddiyada Doorashada ee la isku khilaafay, kuwaasoo ay ka mid yihiin shaqaalaha dowladda, saraakiisha ciidamada iyo taageerayaashii Baraha bulshada ee madaxweynihii xilku ka dhammaaday ee Maxamed Farmaajo; iyadoo Rooble loo gudbinayo 16 xubnood oo ay tahay in la bedelo.
Heshiiska labaad ee Doorashada, kaasoo magaalada Muqdisho lagu saxiixay 27-kii bishan May 2021 ayaa awood u siinaya Ra’iisal wasaaraha inuu xaqiijiyo xubnaha laga dalbaday inuu ka saaro Guddiyada Doorashada.
Kalsoonida ka dhalatay heshiiska la gaaray waxaa sal u ah fulintiisa, waxaana Maxamed Xuseen Rooble hortaala tijaabadii ugu adkeyd oo lagu ogaanayo dhexdhexaadnimadiisa iyo sida ay uga go’an tahay fulinta heshiiskii Doorashda ee lagu gaaray Muqdisho.
Halkan ka Akhriso: Heshiiska labaad ee Doorashada
Mudadda loo qabtay dhaqan gelinta Qodobka xalinta khilaafka Guddiyada Doorashada ayaa ku eg Isniinta, 31-ka bishan May, iyadoo sidoo kale lagu ogaan doono suuragalnimada in waqtiga loo qabtay doorashada oo ah 2 bilood ay ku qabsoomi karto.
Midowga Mushariixinta oo gudbinaya Liiska magacyada laga saarayo Guddiyada Doorashada.
Midowga Mushariixinta ayaa maanta ilaa caawa u gudbinaya Ra’iisal wasaaraha ilaa 16 xubnood oo la sheegay inay ka mid yihiin xubnaha sida sharci darrada ah loogu daray Guddiyada Doorashada ee ay tahay in la bedelo.
