Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa shaaciyey inay soo dhammaatay arrintii khilaafka Gobolka Gedo ee Doorashada, ayna harsan tahay kaliya saxiix iyo magacaabista maamulka cusub ee Gobolka Gedo.
Rooble ayaa khudbad ka jeediyay kadib markii uu ku qaabilay guddigii dib u heshiisiinta gobolka Gedo oo ahaa wasiirada arrimaha gudaha maamul Gobleedyada dalka oo galabta ku wareejiyay warbixinta wixii ay kala soo kulmeen Garbahaareey iyo Kismaayo.
“Shacabka Soomaaliyeed waxaan halkan uga xaqiijinayaa inay soo dhammaatay caqabadi Doorasahda ee Gobolka Gedo. Maanta waxaa harsan inaan saxiixo xubnaha la sii gudbiyey oo keliya iyo in madaxweyne Axmed Madoobe uu wareegto ku soo saaro maamulka degmada Garbahaareey” ayuu yiri ra’iisal wasaare Rooble.
Waxa uu sidoo kale ka hadlay arrinta doorashada xildhibaannada gobollada Waqooyi, isagoo sheegay in wadatashiyo uu la leeyahay guddoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ra’iisal wasaare kuxigeen Mahdi Maxamed Guuleed.
Rooble wuxuu si kulul uga hadlay xayiraadda la saaro diyaadaha iyo dadka tegaya Gobolka Gedo, isagoo amar kasoo saaray. :’Waxaan farayaa Hay’ada socdaalka, Booliska iyo NISA.., warar badan ayaa isoo gaaray in dad laga celiyey meelo kala duwan., uma dulqaadan doono, qofkii falkaas kusoo baxdo tallaabo sharci ah ayaa ka qaadayaa .. qof laga celin karo garoonka ma jiro.. diyaaradaha socdaalka lagama celin karo inay tagto Garbahaarey..” ayuu yiri Rooble.
Wuxuu amrtay Hay’adda socdaalka inay soo gaarsiiso ciddii arrimahaas ku howlan, si uu tallaabo uga qaado, isagoo sheegay inay xuquuq dastuuri ah tahay isu soocdka muwaadiniinta, isla markaana aan la celin karin qof musharax ah.
