Wednesday, June 25, 2025

RW Rooble oo la kulmay Madaxda Galmudug, Hirshabeelle iyo K/Galbeed (Arrimaha la isku hayo)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa la kulmay madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle.

Kulankan oo ka mida shirar doceedyo hordhac u ah shirka wadatashiga ee la filayo inuu Muqdisho ka furmo ayaa yimid, kadib waanwaan labada dhinac laga dhex waday maalmihii danbe, iyadoo saddexdan madaxweyne ay taageeraan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo.

Rooble ayaa hore ula kulmay madaxda Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo iyagu taageersan Ra’iisal wasaaraha iyo shirka uu ku baaqay in lagu saxo khaladaadka doorashada.

Axmed Qoorqoor iyo Laftagareen ayaa si cad u diidan tallaabooyinka uu qaaday Rooble, iyadoo ku doodaya inaysan jirin wax khalad ah oo ka dhacay Doorashada Golaha Shacabka, isla markaana ay sidii ay ku bilaabatay ku wadi doonaan inta harsan, Waxayna ka horjeedaan tallaabooyinkii uu Rooble ku ceyriyay xubno ka mida Guddiga xalinta khilaafaadka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON