Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddiga Amniga xafladda caleema-saarka madaxweynaha cuusb ee Soomaaliya.
Guddigan oo ka kooban toddoba xubnood ayaa waxaa ka mida: Wasiirro iyo saraakiisha ciidamada, iyo agaasimaha NISA, waxayna howshoodu tahay inay ka shaqeyaan sidii xafladda caleemo-saarak nabadgelyo ugu dhici lahayd.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa lagu shaaciyey in Guddiga uu ka kooban yahay:
1- Wasiirka Amniga Qaranka Cabdullahi Maxamed Nuur – Guddoomiye
2- Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jamac) – Xubin
3- Wasiirka Duulista Durraan Faarax
4- Wasiirka Caddaaladda Xasan Xaaji Xuseen
5- Taliyaha Ciidanka xoogga dalka General Odowaa Yususf Raage
6- Taliyaha Booliska General Cabdi Xasan Xijaar
7- iyo Agaasimaha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Mahad Salaad.
Xafladda caleemo-saarkiisa Xasan Sheekh ayaa ka dhici doonta magaalada Muqdishu 9-ka bisha June, 2022. Xafladdaasi oo la filayo inay kasoo qaybgalaan madax kala duwan oo gudaha iyo dibedda ka kala socota.