Thursday, July 3, 2025

RW Rooble oo Shirkii labaad isugu yeeray Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Qodobada looga hadlayo

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa mar kale shir isugu yeeray madaxda maamul goboleedyadam kadib muddo bil ah markii la saxiixay heshiiskii labaad ee Doorashada.

War kasoo baxay xafiiska Ra’isal wasaaraha ayaa lagu sheegay inuu madaxda maamul Goboleedyada ku marti-qaadayo inay kasoo qaybgalaan shir ka dhacaya magaalada Muqdisho 27-ka bishan June.

“Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka shir Sabtida ka dhacaya Muqsisho, kaas oo la isaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska Rooble.

Heshiiska doorashada ee la gaaray 27 bishii May ayaa qoraya in Ra’iisul Wasaaruhu uu lahaado doorka hoggaaminta doorashada iyo amnigeeda, waxaana shirkan imaanaya muddo bil ah kadib heshiiskaasi oo kaliya la fuliyey hal qodob oo ka mida, kuna saabsan arrimaha guddiyada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON