Thursday, June 26, 2025

RW Rooble oo Su’aal lama filaan ku noqotay weydiiyey Wasiiro waanwaan uga keenay Farmaajo

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xubno ka tirsan xukuumadiisa u sheegay inaysan waqtiga isaga lumin waanwaan ay ka dhex sameeyaan madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii ay xafiiskiisa ugu yimaadeen xubno ay ka mid yihiin; Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Arrimaha dibadda Cabdisacid Muuse, Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Carab iyo xubno kale oo ay u sheegeen inay ergo ka yihiin Farmaajo ayna doonayaan in khilaafkooda xal laga gaaro.

Maxamed Xusseen Rooble ayaa la sheegay inuu xubnahan weydiiyay su’aal ahayd: Mowqifka ay ka qaateen shaqo joojintii uu k usameeyay Farmaajo..? kadibna uu weydiiyay sida ay dhexdhexaad uga noqdeen wixii lagula kacay xukuumadda ay ka tirsan yihiin ee ay uga hadli waayeen..?

Rooble ayaa ku adkeystay inaysan jirin wax ka dhaxeeya isaga iyo Farmaajo, isla markaana uu sii wadi doono Doorashada iyo hoggaanka dalka, kaliyana laga rabo inuu faraha kala baxo Doorashada iyo iyo ciidamada, intaasna ay gaarsiiyaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON