Monday, June 23, 2025

RW Xamsa oo magacaabay Gudi qabanaya Doorashada kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddiga Kumeelgaarka oo qaban doona Doorashooyinka kuraasta ka bannaanaatay Baarlamaanka 11aad.

Wareegto kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay inuuu magacaabay xubnaha Guddiga KMG ee maamulaya doorashooyinka kuraasta ka bannaanaatay Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha ayaa tixgeliyay qodobada 99-aad iyo 100-aad ee Dastuurka KMG, Go’aanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo tirsigiisu yahay GSH/B11/0522, Wareegtadii Lr.60 ee Burinta Xeer Madaxweyne Lr.40 oo lagu kala diray Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo eshiisyadii, habraacyadii lagu hirgeliyay doorashooyinka dadban ee Baarlamaanka 11-aad 2021/2022 iyo sidoo kale sharciga buuxinta kursiga ka bannaanaada Golaha Shacabka ee Baarlamaanku ansixiyay 19-kii Abriil 2017.

Ad

Guddiga KMG ah ee Doorashada la macgaaba ayaa ah:

1. Cabdiraxiim Cabdullaahi Shaafici

2. Cabdirisaaq Diiriye Warsame

- Advertisement -

3. Cabdi Hiis Udan

4. Cabdishakuur Abiib Hayir

5. Cabdullaahi Cabdi Aden

6. Mowliid Mataan Salaad

- Advertisement -

7. Maxamed Aadan Cismaan Yare

8. Yusuf Cabdikaadir Maxamed

9. Sahra Cabdiraxmaan Maxamed

Xubnaha Guddigan ayaa maanta tegay xafiiska Ra’iisal wasaaraha cusub, iyagoo sidaas ku shaqo galeya, waxaana kuraasta bannaan ka mida kursiga la wada eegayo ee laga xayiray Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo kursiga uu banneeyay Agaasimaha cusub ee NISA Mahad Maxamed Salaad.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON