Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa kasii dareysa tan iyo intii uu muddo xileedkiisa kororsaday Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Iyadoo uu Maxamed Farmaajo ku adkeysanayo muddo kordhinta loo sameeyay oo musharixiinta kasoo jeeda Beelaha Muqdisho u arkaan sharci darro ayaa waxaa soo xirmay rajadii Doorashada, waxaana laga digayaa inuu dalku u jiheysto xaalad hubanti la’aan ah iyo iska hor imaad ka dhasha xukun isku dhejinta Farmaajo.
Caasimadda Muqdisho ayaa mareysa xaalad cusub oo lagu kala guurayo, waxaana sameysmaya xaafado aanay ka talin ciidamada raacsan nidaamka Maxamed C/llaahi Farmaajo, taasoo xaaladda uga sii dareysa, waxaana ugu danbeeyay markii uu xaafad cusub xalay u guuray Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.
Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa tilaamay in looga badbaado karo isku dhac dhex mara Farmaajo iyo dadka Muqdisho oo Mushariixintu hor kacayaan saddex tallaabo oo dhammaandood lagu wiiqayo awoodda Farmaajo, kuwaasoo kala ah:
1- Ganacsatada oo canshuurta diidda.
Arrintan ma sahlana, maadaama ay gancsatadu yihiin faa’iido doon aan diyaar u ahayn inay wajahaan xaalad siyaasadeed oo adag. Ganacstada Muqdisho waxay ku caan baxeen in dowlad iyo hoggaamiye kooxeed kasta ay laaluushaan, dhaqaale siiyaan, lana shaqeystaan, umana diyaarsana halgan nooc kasta oo u yahay.
2- Ciidanka oo gadooda.
Waa suuragal in qaar ka mida ciidamada ay gadoodaan ama u laabtaan tageero beeleed, lakiin ciidamada oo dhan suuragal ma aha, rajo badanna lagama qabo inay ka hor imaan karaan madaxda dowlad uu Baarlamaankeedii noqday mid sharci darro ula safan madaxweyne xilkiisu dhacay.
3- Raysal wasaaraha, Madaxweynayaasha, Galmudug iyo Hirashabele oo muddo kororsiga diida.
Maxamed Xuseen Rooble, Axmed Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe waxay u muuqdaan inay masiirkooda siyaasadeed ku xireen Maxamed Farmaajo, rajada laga qabana ay yar tahay, taasoo mustaxil ka dhigeysa inay u bareeraan ka hor imaanshaha muddo kororsiga.
Haddii aanay beesha Caalamka arrinta dhexda ka qaban, siiba Mareykanka ma muuqato meel looga wareego isku dhac Muqdisho ka dhaca.

GOOBJOOGE