Saturday, June 28, 2025

Safaaradda Mareykanka oo beenisay casuumad la sheegay in loo fidiyey Xasan Sheekh

Dowladda Mareykanka ayaa war cad kasoo saartay arrin maalmahan la isla dhex marayey baraha bulshada oo ku saabsanaa in Mareykanka uu Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku marti qaaday booqasho uu ku tago Mareykanka.

Farriin lasoo dhigay bogga Twitter-ka ee Safaaradda uu Mareykanku ku leeyahay magaalada Muqdisho ayaa lagu yiri: “Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho waxay caddayneysaa in xilligan aysan jirin casuumaad rasmi ah oo Mareykanku uu u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, si uu u booqdo Washington, DC. Dowladda Mareykanku waxay ka war qabtaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu aad ugu mashquulsan yahay dhismaha dowladdiisa.”

Qaar ka mida taageerayaasha Madaxweynaha cusub ayaa warkan suuqa geliyey, taasoo keentay in Safaaradda Mareykanka ay jawaabtan kasoo saarto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON