Dilal qorsheysan oo kala duwan ayaa ka dhacay axafado ka tirsan magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka mid yihiin saraakiil ka tirsan cidiamda Booliska.
Dabley Bistoolado ku hubaysan ayaa la sheegay inay maanta ku dileen agagaarka saldhigga Galbeed ee degmada Dharkeynleey Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska oo Alshabaab ay darajadiisa ku sheegtay Laba xiddigle Yuusuf Bariise.
Alshabaab ayaa dhinaca kale sheegtay dil kale oo ka dhacay xaafadda Sey Biyaano ee degmada Hodon, halkaasoo la shegay in toogasho lagu dilay sarkaal magaciisa lagu sheegay Qoobeey. Waxaan laga qaatay qori uu watay.
Shalay ayay ahayd markii ay Alshabaab sheetgay inay xaafadda Suuqa Xoolaha ku dishay sarkaal lagu magcaabi jiray Cabdiraxmaan Xaaji Barre oo degaankaas ka howlgeli jiray.
Dableyda dilalka qorsheysan ka fulisay Mudisho ayaa inta badan baxsata, iyadoo aanay ku guuleysan ciidamada Amnoiga inay gacanta ku dhigaan.
Hay’adaha Amniga dowladda Federalka iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaan ka hadlin dilalka saacadihii ugu danbeeyay ka dhacay Muqdisho.
