Saturday, July 5, 2025

Sidee Cabdi Xaashi keligiis loogu xiray Kursi ka tirsan Aqalka sare..? (Xildhibaan Maareeye oo kashifay)

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa u sharxan kursigii uu ku fadhiyey ee Aqalka Sare, iyadoo aanay jirin cid la tartameysa.

Liiska Musharixiinta Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi oo ayu maanta soo saareen Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisal wasare ku xigeenka ayaa musharaxa kursiga koowaad uu noqday Cabdi Xaashi oo keligiis cod loo qaadi doono.

Arrintan oo dood ka dhalisay baraha bulshada ayaa sida ay ku timid waxaa ka hadlay wasiirkii hore ee warfaafinta xildhibaan Maxamed Cabdi Maareeye oo sheegay inuu Cabdi Xaashi diiday in loo qof kursiga kula tartama.

“Sharaf iyo karaamo ayey u tahay Gudoomiye Cabdi Xaashi in dadka la leh kursiga uu ku fadhiyo (Aqalka Sare) ee Gobolka Waqooyi Galbeed si Volunteer ah u go’aansadaan in aanay Kursiga kula tartamin oo uu yahay National icon lama taabtaan ah, isla markaana Gudoomiyuhu diiday fikir ay dad ula yimaadeen oo ahaa in loo keeno qof waraabe utaag u noqda” ayuu yiri xildhibaan Maareeye.

Cabdi Xaashi ayaa halgan dheer la soo qgalay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo, isagoo hor istaagay rabitaankiisa, tasoo keentay in taageerayasha Farmaajo ay si weyn u weerarraan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON