Tuesday, June 24, 2025

Sarkaal caan ka ahaa Booliska & Xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho oo Toogasho lagu dilay

Wararka laga helayo magaalada Mudisho ayaa sheegaya in sarkaal ka trisan ciidamada Booliska goor dhoweyd toogasho lagu dilay.

Koox dabley ah ayaa la sheegay inay xaafadda Sey Biyaano ku dileen Gaashaanle Mahad Cali Cilmi (Mahad Doollar) oo ka tirsanaa Booliska Somalia, isla markaana caan ka ahaa degmada Hodon ee Gobolka Banaadir.

Sarkaalka la dilay ayaa muddo dheer ahaa nin awood ku leh caasimadda, gaar ahaan degmada Hodon oo uu deganaa, wuxuuna soo caan baxay xilligii dowladii C/llaahi Yuusuf, xilligii uu taliyaha Booliska ahaa Cabdi Qeybdiid.

Kooxda dilka u geysatay sarkaalkan ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi gaaray ciidamada Amniga oo meydka ka qaaday goobta, iyagoo geeyay xarunta CID-da ee Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON