Tuesday, June 24, 2025

Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Alshabab. oo lagu soo bandhigay Kismaayo [Ma la qabtay mise waa baxsad? -DAAWO]

Ciidamada Xoogga dalka guutada 11-aad qeybteeda 43 ayaa soo bandhigtay sarkaal ka tirsanaa sirdoonka Alshabaab oo lagu qabtay duleedka magaalada Kismaayo.

Ibraahim Lugende Maxamed ayaa la sheegay in laga soo qabtay Baar Sanguuni, waxaana la sheegay inuu ka mid ahaa saraakiisha Alshabaab, iyadoo xilliga la qabanayey uu ahaa sahan weerar Alshabaab, wuxuna ku dooday inay kasoo baxsaday Xarakada Alshbaab, isagoo sheegay inuu diiday amarrada Alshabaab, isagoo 10 sano jir ahna Alshabaab wateen sidaasina uu uga mid noqday Alshabab, kana mid ahaa ciidamada Jeyshka loo yaqaan.

Taliyha guutada 11-aad qeybta 43 ee ciidanka xoogga dalka Maxamed Badal Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu Alshabaab ka mid ahaa ninkan, kana qeyb qaatay dagaaladii Alshabaab, siiba dagaalkii Ceelcade ee ciidamada Kenya lagu laayey.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in Sargaal ay soo qabteen Al-Shabaab uu ka tirsanaa mudo ku dhow  10 Sano. welina uu aaminsan yahay Shabaabnimo, laakiin wareysiga lala yeeshay ayuu ku sheegay inuu kasoo baxsaday Alshabaab.

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON