Wednesday, June 25, 2025

SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Magaalada Instanbul ee dalka Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey  magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa halkaasi uga qeyb galaya shirka madaxda wadamada Islaamka oo looga arrinsanayo qadiyadda Magaalada Barakaysan ee Qudus. Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Istanbuul, waxaana ku soo dhaweeyay diblomaasiyiinta Safaaradda Somaaliya ee Turkiga iyo mas’uuliyiinta Dalkaasi Turkiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mida hoggaamiyeyaasha dalalka islaamka ee ka qeyb galaya shirka degdega ah ee arrinta Qudus oo Madaxweynaha Turkiga uu isugu yeeray madaxda ururka dalalka Islaamka.

Shirka oo uu guddoomin doon  Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan ayaa maanta ka furmaya Istabuulm waxaana la filayaa inay Madaxda ururweynaha islaamka ee OIC ay kasoo saaraan go’aano ku saabsan xaaladda Qudus.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON