Tuesday, June 24, 2025

SAWIRRO: Shirka Wadajirka ah ee Golayaasha Wasiirada Soomaaliya iyo Puntland oo ka socda Magaalada Garowe

Waxaa magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland goor dhoweyd ka furmay shir wadajir ah oo ay leeyihiin golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya iyo Golaha Wasiirada maamulka Puntland.

Shirka oo uu guddoominayo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaa ku sugan madaxweynaha Puntland Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas iyo ku xigeenkiisa C/xakiim Camey, waxaana ka qeyb galaya xubnaha golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka iyo kuwa Puntland.

Ajendaha shirka ayaan la shaacin waxaana lagu wadaa in looga hadlo arrimo badan oo ay ugu horeeyaan xiriirka labada dhinac, waxaana lagu wadaa inay shir jaraa’id qabtaan gabagabada shirka kadib.

Khilaaf soo kala dhex galay Ra’iisal wasaare Kheyre iyo madaxweynaha Puntland ayaa hareeyay shirkan iyo xaflad lagu xusi lahaa sanadguurada 20aad ee Puntland, taasoo markii danbe si hoose heshiis looga gaaray.

Image may contain: 4 people, people sitting and indoor

Image may contain: 7 people, people sitting and indoor

Image may contain: 1 person, sitting

Image may contain: 2 people, people sitting

Image may contain: 7 people, people sitting and indoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON