Wednesday, June 25, 2025

SAWIRRO: Xarun Cusub oo loo dhisay Wasaaradda Maaliyadda oo Xariga laga jaray [Yaa maalgeliyey?]

Waxaa maanta magaalada Muqdisho xariga laga jaray xarunta labaad ee Wasaaradda Maaliyadda oo dhismaheeda ay maalgelisay dowladda Swedan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Somaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo ay wehliyaan Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Safiirka Dowladda Swedan ee Soomaaliya Andreas Von ayaa ka qeyb galay daahfurka xarunta csuub ee wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

Safiirka Swedan Andreas Von ayaa sheegay in dhismaha Xaruntan loogu talogalay sidii Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda u helaan xarumo ku filan oo ay ku shaqeeyaan, ayna ku faraxsan tahay in maanta dib loo furo.

“Waxaan maanta xarigga ka jarnay dhismaha cusub ee Wasaaradda Maaliyadda, dhismahaan waxa uu qeyb ka qaadan doonaa shaqooyinka ay Wasaarddu qabato iyo horumarinta dhaqaalaha Dalka. Waxaan u mahadcelinayaa Safiirka Sweden ee Soomaaliya  Andreas Von iyo Dowladda Sweden oo noo dhistay gurigaan quruxda badan” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa bogaadiyay Howlaha ay qabatay Wasaaradda Maaliyadda Dalka oo suura galiyay in sare uu u kaco daqliga dalka lana kordhiyo Miisaaniyada Dowladda, wuxuuna u mahad celiyey dowladda Sweden.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON