Waxaa magaalada Jowhar maanta mar kale ka dhaceysa doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo Hal kursi kaliya amanta la dooranayo.
Kuraasta maanta la filayay in lagu doorto saddex kursi ayaa la xaqiijiyey in kaliya la dooranayo hal kursi oo kalia oo ah:
1. Dr. Cusmaan Maxamuud Maxamed (Dufle)
2. Maxamed Axmed Nuur (Tarsan)
3. Raage Xasan Cusmaan (Xuuti)
Kursigan waxaa si weyn isugu haya Dr. Dufle oo difaacanaya iyo Danjire Tarsan oo ah safiirka Soomaaliya xilligan u fadhiga dalka Kenya. Dufle ayaa u janjeera dhinaca mucaaradka, halka Tarsan uu taageero ka heysto Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo la filayo inuu kursiga mar kale kusoo baxo Dr. Dufle
Kuraasta kale ayaa dib ugu dhacday Khamiista, waxaan kuraasta maanta baaqay ka mida:
1. Xasan Iidow Muxumed Kobac
2. Cusmaan Axmed Macow
3. Cabdinuur Ibraahim Nuur
1. Call Shacbaan Ibraahim
2. C/Qaadir Xanafi Sheekh Bashiir
3. Cabdullahi Axmed Tawaad
4. Caasho Xuseen Abuukar
5. Cabdallahi Cabdi Xuseen
Doorashada Aqalka Sare ee Hirshabeelle ayaa ka duwan maamul Goboleedyada kale, iyadoo ah doorasho furan oo si adag loogu tartamayo, halka doorashooyinkii ka dhacay afvrat maamul Goboleed ee kale, dad gaara loo xiray kuraasta.
