Sunday, July 27, 2025

Senator cusub oo lagu doortay Jowhar (Musharax taageero ka heysta Yusuf Dabaged oo kusoo baxay)

Kursigan oo muran weyn iyo fowdo hore u dhaliyey ayaa waxa kusoo baxay Musharaxii ay taageerayaashiisa qaska ku kaceen.

Waxaa magaalada Jowhar goor dhoweyd lagu doortay Senator cusub oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, kadib doorasho wareegii saddexaad gaartay.

Kursigan oo hore fowdo ugu dhammaatay Doorashadiisii hore ayaa muddo laba toddobaad ah kadib, dib loo qabtay maanta, iyadoo ay ku tartameen wareegiisii saddexaad labada musharax ee isugu soo haray oo kala ah: C/qaadir Xanafi Sheekh Bashir iyo Cali Shacbaan Ibraahim.

Wareegii labaad waxaa si weyn ugu horeeyay Musharax Cali Shacbaan oo taageero weyn ka helaya madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabgeed oo olole weyn ugu jiray inuu kusoo baxo kursigan.

Wareegii saddexaad oo cod hal dheer ah lagu kala baxayey, waxay natiijadii noqotay:

1- Cali Shacbaan Ibraahim; wuxuu helay 62 cod

2- C/qaadir Xanafi Sheekh Bashir wuxuu helay 24 cod

Waxaa sidaasi ku guuleystay oo Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle ku dhawaaqay in Cali Shacbaan Ibraahim loo doortay Senator-ka cusub.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON