Monday, June 23, 2025

Senator Xuseen Sheekh oo shaaciyey sababtii Madaxweynaha K/Galbeed uga reebay tartanka Aqalka Sare

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo laga reebay tartanka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa shaaciyey sababta looga teebay musharixiinta Aqalka Sare.

Qoraal uu soo diray ayuu ku sheegay Cabbirka fikirka madaxbannaan ee dhaqanka u ahaa muddo xileedkii la soo dhaafay, uu aaminsanahay inay sabab u ahayd in laiga reebo tartanka Aqalka Sare ee xilligan.

“Waxaan balan qaadayaa in waayidda xilkii xildhibaanimo ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya aaney saameyn ku yeelan doonin mabaadii’deyda ku dhisan in daacad loogu adeego shacabka Soomaaliyeed anoo xil haaya iyo anigoon hayninba” ayuu yiri Senator Xuseen Sheekh oo ka mid ahaa madaxda xisbiga IPD ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Ad

Wuxuu ku dooday in Muddadii uu u soo adeegayay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed uu ku dadaaley wixii karaankiisa inuu si daacadnimo ku jirto ugu adeego, una doodo xuquuqaha siyaasadeed iyo kuwo bulsho, isagoo ka tirsanaa Guddiga la socodka iyo hirgelinta dastuurka ee labada Aqal.

Wuxuu u mahad celiyay shacabkii iyo masuuliyiintii jeclaa inuu mar kale tartamo, wuxuuna ugu baaqayaa inay is dejiyaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON