Madaxweynihii hore ee maamulka K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka halday amar ka yimid madaxweynaha K/Galbeed oo looga celiyey magaalada Baydhaba, loogu diiday diyaarad u kireysneyd inay u duusho Garoonka Baydhaba.
Isagoo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu Shariif Xasan sheegay in falka lagula kacay uu aad uga xun yahay, waxa ka socda K/Galbeedna ay tahay gadboodfal aan xitaa u fiicneyn ninka hadda ka taliya.
“Waxaa maanta dhacay si aad ah ugama hadli karo, maxaa yeelay ma ahayn waxaan filayey… Shalay ayaan rabay inaan baxno, waxaa nala yiri: Lix saac haddii la gaaro laguma degi karo Garoonka Baydhaba…, taasina ku-talagal ayey ahayd.. Anoo tii la yaaban saaka Hal saac ayaan galnay Garoonka, Diyaaradii na qaadi lahayd waa la diiday.. wax na qabto ma ahayn.. mar kasta waxaa la lahaa hebel ayaa diidan.. saacadaan ayaan kasoo baxnay Lix saac..” ayuu yiri Shariif Xasan.
Wuxuu sheegay inuusan ahayn Ninkii loo diidi lahaa, isagoo soo dhisay maamulka Koonfur Galbeed, waxa uu raadinayeyna ay ahaayeen kursi ay beeshiisa leedahay. “Waxa meesha ka scoda waa magacaabis uu hal qof ku tasarufayo, inuu qalinkiisa i qabaneynin waan ogaa (Lafta-gareen), laakiin wuxuu sameeyay inuu diyaaradda iga celiyo..”.
Shariif Xasan wuxuu ku eedeeyay inuu inkiray Odaygii Beeshiisa Shariif Muxudiin, isagiina Garoonka u diiday, waxa uu sameynayo C/casiis Lafta-gareen aysan ahayn wax wanaagsan. “Sida uu ku yimid C/casiis waa la ogyahay.. Reer K/Galbeed waxa hadda socda wax na anfacaya ma aha, halaga waantoobo” ayuuna yiri.
