Sheekh Shariif ayaa ka digay in haddii aan la xalin tabashooyinka ka jira sida loo maamulayo Doorashada ay keeni karto inuu muran ka dhasho natiijada
Guddoomiyaha Golaha Midowga Musharixiinta, madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay inuu dhalan karo muran ku saabsan natiijada Doorashada Golaha shacabka, isagoo walaac ka muujiyey sida ay ku bilaabatay Doorahsada Golaha Shacabka iyo cabashooyinka ka yimid hannaanka loo maamulayo Doorashada.
War-murtiyeed uu Sheekh Shariif soo saaray maanta 24/11/2021 ayuu ku yiri: “In la qabto doorasho hufan, daahfuran oo heshiis lagu yahay waxay fure u tahay nabadda iyo xasiloonida, wadajirka dalka, horumarka dhaqaalaha iyo la tacaalidda abaaraha aafeeyay waddanka.”
Qoraalka ayuu ku yiri: “Waxaan walaac ka muujinayaa sida ay u bilaabatay doorashada Golaha Shacabka, waxaa jira cabashooyin ku aadan hannaanka doorashada loo maamulayo, waxayna keeni kartaa inuu muran ka dhaco natijada doorashada Golaha Shacabka haddaan la ilaalin daah furnaanta doorashada iyo habraacyadii lagu heshiiyay 17 Sep 2020 iyo 27 May 2021”
Wuxuu soo jeediyey Golaha Wadatashiga Qaranka inay xalliyaan tabashooyinka soo if-baxaya oo ay wax ka qabtaan cabashada iyo walaaca laga muujinayo hannaanka loo maamulayo doorashada.
“Waxaan ugu baaqayaa Guddiyada Doorashada heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo guddiga xallinta khilaafaadka doorashada inay dhaqan-geliyaan habraacyadii iyo hannaankii lagu heshiiyay ee doorashada Golaha shacabka, waxaana ku boorrinayaa inay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara eex iyo musuqmaasuq, taasoo dhaawici karta natijada doorashada iyo geedi-dhiska dowladnimada” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
