Tuesday, July 1, 2025

Senator is-casilay oo mar kale Dhuusamareeb loogu doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

Kurisigii labaad ee Golaha Shacabka ayaa maanta lagu doortay magaalada Dhuusamareeb, waxaana kusoo baxay Senator dhowaan iska casilay kursigii loo doortay ee Aqalka Sare.

Doorashadan waxaa lagu tartamay kursiga tirsigiisu yahay HOP026 ayaa waxaa ku guuleystay Yuusuf Geelle Ugaas, waxaana la tartamay C/qaadir C/llaahi Diiriye. Yuusuf Dhegey ayaa helay codad dhan 82 cod, halka musharax C/qaadir C/llaahi uu ka helay 4 cod, waxaana xumaaday 15 cod.

Yusuf Geelle ayaa 12 Ogost isla magaalada Dhuusamareeb loogu doortay senator ka tirsan Aqalka Sare, balse wuxu iska casilay xilkaasi 18 Novembar, isagoo haddana maanta haddana kusoo baxay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Waxaa isla maanta magaalada Dhuusamareeb si fudud mar kale kursiga xildhibaan ee 104 loogu doortay Mahad Cabdalla Cawad oo muddo dheer ku fadhiyey kursiga, isla markaana ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shcabka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON