Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo ka talo qaadanaya Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo uu doorashada Golaha shacabka ka rebayo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).
Arrintan oo in muddo ahba soo socotay ayaa ugu danbeyn soo gaartay in la diiwaangeliyo musharixiinta kursiga GSH#103, kaasoo uu hore ugu fadhiyey Prof. Jawaari, waxaana Madaxweynaha K/Galbeed uu kursiga u soo sharxay, awoodna ku bixinayaa inuu musharax Mohamed Cali oo ah Wasiirka Howlaha Guud ee Koofur Galbeed uu ku soo baxo kursiga.
Wiilkan dhalinyarrada ah ee Wasiirka ka ah K/Galbeed ayaa la siiyay shahaadada diiwaangelinta Musharaxnimada, waxayna wararku sheegayaan wiilkan la doornayo in loo boobo kursiga, meesha looga saaro Prof. Maxamed Cismaan Jawaari oo Baydhaba ku sugan, balse la kulmaya cadaadis ah inuu isaga haro tartanka.
Prof. Jawaari ayaa wajahaya xaalad adag oo ah inuu isaga haro kursiga loo xiray wasiirka Howlaha Guud ee K/Galbeed oo uu wato Madaxweynaha K/Galbeed.
