Sunday, June 22, 2025

Sheekh Shariif oo si dadban u taageeray Doorashada Qof iyo Cod, una hiiliyay Shacabka degmada Kaxda

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, xildhibaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa eedeyn culus u jeediyay Dowladda federaalka iyo guddiga Doorashooyinka dalka, isagoo si dadban u taageeray diiwaan gelinta cod bixinta Doorashada Qof iyo Cod.

Sheekh Shariif ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inay nasiib darro  tahay hab dhaqanka dowladda isaga horkeeneyso shacabka deggan caasimada, isagoo sheegay in meesha laga saaray degmooyin ku yaalla Muqdisho, sida Kaxda oo lagu tuntay xaquuqdii ay lahaayeen.

“Waxaa nasiib darro ah hab-dhaqanka madaxda dowladda Federaalka ah ee lagu kala soocayo bulshada caasimadda islamarkaana laga isaga horkeenayo iyadoo qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho meesha laga saarayo sida Degmada Kaxda oo ay dadkeedu ka mid yihiin canshuur bixiyaasha dowladda” ayuu yiri Qoraalkiisa ku yiri Sheekh Shariif.

Ad

Wuxuu cambaareeyay in awood loo adeegsado shacabka Kaxda ee ka hor yimid diiwaan-gelinta ka socota degmadaas, markii la hoos geeyay degmada Dharkenley. “Waxaan sidoo kale cambaaraynayaa in shacabka Degmada Kaxda oo la ogyahay in loo diidanyahay xaquuqdooda degmanimo, haddana loogu daray cadaadis bulsho iyo in la rabo in qori caarradiis loogu qasbo isdiiwaangalin hubeysan iyo geedi-socod doorasho oo hal dhinac ah”

Wuxuu Shariifku sheegay inuu garab taaganahay xaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin ka qaybgalka doorashooyin xor iyo xalaal ah oo loo simanyahay, wuxuuna ka digay tallaabooyinka uu qaadayo guddiga doorashada.

“Waxaan dhinaca kale uga digayaa guddiga doorashooyinka lagu muransanyahay inay ka waantoobaan cadaadiska ay saarayaan shacabka caasimadda oo hadda ay muuqato in lagu qasbayo  hannnaan doorasho oo aan heshiis lagu ahayn” ayuu mar kale yiri Sheekh Shariif.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON