Monday, July 14, 2025

Shir xasaasi ah oo xarunta Xalane uga furmay Siciid Deni, Axmed Madoobe iyo Midowga Musharixiinta

Waxaa goor dhoweyd xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho shir xasaasi ah uga furmay Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha dalka.

Kulanka oo ah kii ugu horeeyay ee Muqdisho ku dhex mara dhinacyada ka horjeeda Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa looga hadlayaa xaaladda doorashada dalka, khilaafka ka taagan iyo sida ay dhinacooda u wajahayaan.

Siciid C/llaahi Deni, Axmed Maxamed Islaam oo ay wehliyaan xubnaha midowga Musharixiinta oo ay ugu horeeyaan madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud waxay dadaal ugu jiraan inay Farmaajo ku qasbaan shuruudo ay ku qabsoomi karto doorasho aan dhinacu janjeerin.

Shirka ay qabanqaabisay Beesha Caalamka ee lagu soo afjarayo khilaafaadka hareeyay heshiiska Doorashada 17 Septembar ayaa caqabado soo wajaheen iyadoo ay ka caga jiidayaan Farmaajo iyo madaxweynayaasha maamul Goboleedyada taageersan.

May be an image of one or more people, people sitting, people standing, suit and indoor
May be an image of one or more people, people standing, people sitting and indoor
May be an image of one or more people and people sitting

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON