Shirkii wadatashiga Higelinta Doorashooyinka oo uu ku baaqay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Frmaajo ayaa isu bedelay shir muran ka taagan tahay inta aan la gaarin.
Farmaajo ayaa u cayimay shirka inuu ka dhaco magaalada Garowe, laakiin maamulka Puntland ayaa sheegtay inaan lagala tashan waxayna soo jeedisay in shirka lagu qabto magaalada Muqdisho, maadaama uu dhammaaday muddo xileedka madaxda dowladda Federaalka.
Ra’iisal wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble ee xilka sii haya oo ka hadlay Golaha Shacabka iyo Wasiirka Warfaafinta ayaa ku adkeystay in shirka uu ka dhacayo magaalada Garowe, taasoo shaki badan dhalisay.
Siyaasiyiinta iyo Musharixiinta mucaaradka ayaa sheegay in Farmaajo aanu daacad ka ahayn shir lagu xaliyo khilaafka ka taagan Doorashada, taasoo ay sabab uga dhigeen inuu iskiis uga tegay shirkii ka furnaa Dhuusamareeb, isla markaana baaqiisa ah in shir kale la qabto uu ka ahaa farriin loo diray shirkii Golaha Amniga Q/Midoobay.
Tallaabooyinka Madaxweynaha xilligiisa dhammaaday ayaa loo arkaa inuu ku doonayo dib u dhac iyo waqti dhammeys ku yimaada heshiiska Doorashada ilaa marka dambe ay u suuragasho inuu helo muddo kororsi.
