Monday, July 14, 2025

Shirkii Afisyoone oo hakad la geliyey iyo Is-mari waaga ka dhex taagan Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la isku mari waayey shirkii Gogolxaarka ahaa ee u dhaxeeyay madaxda maamul Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka.

Shirka maanta galay Maalintii labaad ayaan wax horumar ah laga gaarin, kadib markii Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo uu diiday dhammaan shuruudihii ay wateen Madaxda Puntland iyo Jubbaland Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam.

Wararka ayaa sheegaya in hal maalin hakad la geliyey shirka si ay la-tashiyo dheeraad ah u yeeshaan dhinacyada isku haya arrimaha la isku mari waayey, kadibna ay isku soo laabtaan Talaadadda 6-da April 2021.

Qodobadda la isku mari waayey waxaa ka mida: Ajendayaasha Shirka Wadatashiga Doorashada, Yareynta Awoodda Madaxweynaha ee xilliga kala-guurka, Dhacdooyinkii 19-ka Febraayo iyo ka qeybgalka Musharixiinta iyo Cabdi Xaashi ee Shirka Wadatashiga.

Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gebi ahaan diidan inuu wax tanaasul ah muujiyo ama aqbalo arrimaha ay soo jeediyeen madaxda Puntland iyo Jubbaland, waxaana arrintaas ku taageeray oo shirka la isku mari mowqifkiisa ku difaacayey madaxda maamul goboleedyada taageersan.

Madaxweynaha Galmudug ayaa la sheegay inuu kusii jeedo magaalada Dhuusamareeb, halka madaxdii kale ay ku wada sugan yihiin Muqdisho, kadib markii lasoo xiray shirka Afisyoone maalintii labaad.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON