Tuesday, June 24, 2025

Shirkii dib u heshiisiinta Galmudug oo lasoo xirayo & Madaxweyne Farmaajo oo tegaya Dhuusamareeb

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inuu gabagabo yahay shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo lagu wado in lasoo xiro maalinta Berrito.

Gudoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug C/raxmnaan Macallim C/llaahi (Baaddiyoow) ayaa shaaciyey inuu gabogabo yahay shirka dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug, isla markaana dhammad tahay howshii Guddiga dib u heshiisiinta, waxayna wararku sheegayaan in Isniinta Berri lasoo afjari doono, iyadoo loo gudbayo soo xulitaanka Baarlamaanka cusub ee Galmudug.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu tego magaalada Dhuusamareeb, isagoo soo xiri doona shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug oo muddo todobaad ka socday magaalada Dhuusamareeb, iyadoo ay qeyb galeen ilaa 500 oo ergo ka socday beelaha dega Galmudug.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON