Shirkii Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda Dowlad Goboleedyada + Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dib la isugu soo laabtay , kadib markii muddo lagu kala maqnaa la-tashiyo qodobbo la isku mari waayey.
Shirka ayaa caawa waxaa ka qeyb galaya Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, shanta m,adaxweyne ee Maamul Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana markii ugu horeysay ku biiray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh iyo sii-hayaha Ra’iisal wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed.
Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo Xarunta Madaxtooyada ayaa sheegaya inuu Madaxweyne Farmajo culeys weyn ka heysto qodobadii heshiiskii Dhuusamareeb 3 oo intooda ugu muhiImsan ay doonayaan madaxda Maaml Goboleedyada in la bedelo, ayna la yimaadeen 4 qodob oo ay isku waafaqeen. (Akhriso Warkan)
Heshiis laga gaaro qodobadda wax laga bedeleyo ee Heshiiska Doorashada ayaa ku xiran tanaasul laga sugayo Madaxweyne Farmaajo oo dhinac kale laga dalbaday inuusan heshiska la gaaro ku celin Baarlamaanka ama Baarlamaanku damaanad qaado ansixintiisa.
Shirka caawa ka hore waxaa kulao gaara dhex mareen Madaxweynayaasha K/Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana lagu wadaa in shirka Muqdisho laga qeyb geliyo qaar ka mida madaxda dowladda sida Si-hayaha Ra’iisal wasaaraha Mahdi Maxmed Guuleed iyo kuwa xisbiyada Mucaaradka.
