Friday, June 27, 2025

Shirkii Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa & Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay. [Sawirro]

Shir madaxeedkii Midowga Afrika ee 32aad ka furmay magaalada Addis ababa iyadoo ka qeyb galayaan madaxda dalalka Afrika iyo marti sharaf uu ka mid yahay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Furitaankii shirka kadib waxaa guddoomiyenimada Midowga Afrika la wareegay madaxweynaha Masar C/fatax Alsisi oo sanadka soo socda heyn doona xilkaasi, waxaana xilkaasi ka degay guddoomiyihii hore oo ahaa madaxweynaha Rwanda Paul Kagame.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Shirka oo ku saabsan arrimaha Qaxootiga iyo barakacayaasha Afrika ayaa sheegay dowladda Soomaaliya ku hawlan tahay sidii xal waara loogu heli lahaa Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaalida ah.

“Baahi weyn ayaa loo qabaa in qaxootiga la siiyo xorriyadda dhaqdhaqaaqa, xaqa lahaanshiyaha dhulka, iyo inay shaqo raadsadaan, ganacsiyo abuurtaan, fursad u helaan adeegyada waxbarashada iyo cafimaadka, loona fududeeyo helidda dhammaan waraaqaha iyo sharciyada lagama maarmaanka ah, si qaxootiga loogu suurtageliyo in ay horumar sameeyaan, si sharaf lehna ugu dhex noolaadaan dalalka iyo bulshooyinka martigeliyay.”

Image may contain: 2 people, people sitting
Ajendaha furitaanka shirka
Image may contain: 2 people, people standing

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON