Saddexda Madaxweyne ee Maamul Goboleed waxay olole ka wadaan Muqdisho, iyagoo qaaday shan tallaabo oo ahaa howlihii laga sugayey madaxweyne Farmaajo.
Iyadoo heshiiskii Doorashada ee Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda Mamaul Goboleedyada ku gaareen Muqdisho aan wax badan lagu caddeyn ayaa waxaa soo baxaya qodobadda qaarkood oo ay kashifeen qaar ka mida Madaxda maamul Goboleedyada.
Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada ayaa Muqdisho ka bilaabay kulamo ay la yeelayaan xildhibaannada kasoo jeeda beelahooda iyo degaanadooda iyadoo kala hadlaya arrimaha Doorashada, waxayna Qado sharaf-yadaasi ka sinnaayeen dhowr arrimood oo kala ah:
1- Is-cafin, dib u heshiisiin iyo saaxiibtinimo dhexmarta madaxda Maamul Goboleedyada iyo xildhibaannada labad Gole ee ay dagaalka siyaasadee u dhaxeeyay.
2- Taageero iyo meel-marinta Heshiiska Doorashda oo madaxda Maamul Goboleedyada ka codsadeen Xildhibaanada labada Gole ay deganadooda lagu soo doorto.
3- Inay taageeraan oo kalsooni siiyaan Ra’iisal wasaaraha cusub oo ahaa codsi ay wateen madaxda Maamul Goboleedyada.
4- Iyo Ballanqaad ay siiyeen xildhibaannadaasi inay ka taageeri doonaan sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen Doorashada soo socota, kuraastoodana u heysan lahaayeen (Tani o ka dhigan musuq si cad loo shaaciyey)
5- Qodob kale oo madaxda maamul Goboleedyada iskood ugu howlgaleen ayaa ahaa inay isu keenaan oo ay heshiisiiyaan Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka, si ay taageeraan heshiiska Doorashada, iyadoo la go’aamyey in cod gacantaag ah lagu ayido.
Ololaha ay Muqdisho ka sameeyeen madaxda Dowlad Goboleedyada waxay ahayd shaqo laga sugayey Madaxweyne Farmaajo, balse markii looga adkaaday heshiiskii Doorashada ay iyagu la wareegeen si toos ahna gacanta ula galeen Baarlamaanka Federaalka oo ansixin looga rabo heshiiskaasi Soomaaliya dib ugu celiyey Doorashadii 2016.
C/casiis Lafta-gareen oo ka mida Madax Goboleedyaa dagaalka siyaasadeed kala dhaxeeyay Guddoonka Baarlamaanka iyo inta badan xildhibaannada kasoo jeeda K/Galbeed, isla markaana hadallo adag dhex mareen xildhibaannada beeshiisa ayaa howsha ugu adag u taallay, wuxuuna kashifay in degaan doorashooyinka la badin karo oo ay yhiin 2 iyo wixii ka badan, balse aanay ku koobeyn laba degaan maamulkiiba.

Axmed Madoobe oo xildhibaannada kasoo jeeda Jubbaland u sheegay inuusan wax daalac ah u raacaneynin markii ay kala safteen dowladda dagalakii siyaasdeed ee uu galay ayaa dhinaca kale us heegay inuu soo dhoweynayo oo sidii hore aana waxba iska bedelin. Dhinaca kale wuxuu ku dooday in heshiiska Doorashada aanu ahayn Xeer iyo Hindise-sharciyeed la meel marinayo ee laga rabo inay taageeraan oo kaliya.
Siciiid C/llaahi Deni oo loo heysto ninka Madaxweyne Farmaajo culeyska ugu badan saaray wuxuu bixiyey balanqaad ah inaan xildhibaannada hadda jooga wax turaaaturo ah loo dhigi doonin ee lagu taageeri doono inay dib u soo noqdaan.
Lama oga in ololaha Heshiiska Doorashada ee madaxda maamul Goboleedyada uu yahay mid looga gudbayo caqabad ka timaada xildhibaannada Golaha Shacabka ee laga rabo inay ansixiyaan iyo inay fulin doonaan balanqaadkooda ah inay gaan ka siin doonaan dib soo laabashadooda, laakiin waxaa muuqata in Baarlamaanka 10-aad waqtigiisu gacantiisa ku dhammeyn doono.